Somali News

Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Wararka laga helayo dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay muwaaddin kale oo Soomaaliyeed.

Muwaadin Kale oo Somali ah ayaa lagu Toogtay Magalada Cape Town.

Ahmed Abuukar xaaji ayaa lagu magacaabi jiray, waxaana dilkiisa geystay koox hubeysan.

Dilalka dhallinyarada Soomaalida ah ee ku nool Koofur Afrika ayaa sanadkan kaliya aad sare ugu kacay.

Ugu yaraan 10 qof oo Soomaali ah ayaa la dilay bishii la soo dhaafay kuwaas oo shan ka mid ah la dilay 24 gudahood.

Booliska Koofur Afrika ayaa sheegay in ag gacanta ku dhigeen hoggaamiyaha Burcadda dilalka u geysata ajaanibta.

Back to top button