Somali News

Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Dalka Koofur Afrika waxaa wali ka socda dilalka dadka Ajaanibta ah gaar ahaana Soomaalida.

Ibraahim C/llaahi Maxamed, ayaa ku Geeriyooday Deegaanka Kalaamos oo ku dhow Tuulada Paarl ee Magaalada Cape Town.

Marxuumka, ayaa u dhintay sida ay eheladiisa ii xaqiijiyeen, Mindi ay maalmo ka hor Wadnaha uga dhuftey Haweeney ay murmeen Ibraahim, iyadoo dhaawicii soo gaaray uu maanta ugu Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Paarl, waxaana maanta  lagu aasayaa Qabuuraha Muslimiinta ee Athlone .

South Africa, Dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayaa sii kordha xilliyada sanad dhammaadka, iyadoo aanay muuqan Dadaalo dhab ah oo ay arrintan ugu istaageen Masuuliyiinta Safaaradda iyo Jaaliyadda.

Todobaadkii hore saddex ayaa lagu dilay deegaanka Cosmo City oo ka tirsan  Jonnursburg.

Back to top button