Somali News

Muwaaddiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Labo Dhallinyaro Soomaali ah, ayaa Dil iyo Dhaawac loogu gaystay Magaalada Port Elizabeth oo ku taalla Gobalka Eastern Cape ee Dalka Koonfur Afrika,
Sayid Cali oo ah Muwaadinka uu Dhiigga ku yaalo, ayaa dhaawac ah, hase ahaatee Marxuumka dhintay oo Sawirka Labaad ah nooma aysan suurtagalin inaan Magaciisa helno, waxaana arrinta la yaabka leh oo aad loo hadalhayo ay tahay in Sadex Dukaan oo Hal Ganacsade leeyahay isla xalay cagta lasoo mariyey.
Dukaanka 1aad Dilka ayaa ka dhacay, Kan 2aad Dhaawaca, Halka kan 3aadna aysan u suurtagalin Burcadda inay gudaha u galaan.
Xoogagga ammaanka, ayaa wada baaritaano xooggan, walow aanu ognahay in kumanaan kiis oo Dilalka Muwaadiniin Soomaaliyeed ah la furay, wax natiijo ahna aysan kasoo bixin, taasoo loo aaneeyo habacsanaan ka jirta Safaaradda Somalia ay ku leedahay South Africa iyo Ururada Jaaliyadda intaba.
South Africa, ayaa xilliyada Sanad dhammaadka waxaa aad u kordha weerarada ka dhanka ah ajaanibta.
Back to top button