Somali News

Muwaaddiniin Soomaaliyeed oo lagu laayay Koofur Afrika

Wararka ka imanaya Dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay ilaa saddex qof oo Soomaali ah.

Muwaadiniinta oo 3 ahaa ayaa lagu soo weeraray dukaankooda oo ku yaalay Deegaanka Cosmo City Ee Magaalada Johannesburg waxaana weerarka ku soo qaaday burcad madow ahaa.

Sida aan Wararka Ku helay Markii hore Hal wiil ayaa ku Geeriyooday Goobta, Balse Wiilka kale Ayaa Hospitalka ku Geeriyooday Dhaawicii Soo gaaray halka Wiilka Sadaxaad ayaa isna Hospital la dhigay

Marxuuminta labada ah Ee la dilay Ayaa magacyadooda lagu soo gaabiyay Abdisalaan Ahmed & Qays.

 

Back to top button