Somali News

Muxuu daaranyahay safarka Xijaar ee Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka dagay Magaalada Dhuusamareeb.

Taliye Xijaar safarkiisa waxaa Ku wehliya saraakiil ka tirsan Guddiyada doorashada ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.

Safarka Taliyaha ayaa salka ku haya u kuur gelidda amniga Goobaha lagu qabanayo doorashooyinka Heer Federaal ee dhawaan ka dhacaya dalka.

Waxaa uu Taliya tagi doonaa dhawaan dowlad Goboleedyada isaga oo qiimeynaya goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka.

Back to top button