FeaturedSomali News

Muxuu doonayaa Mahdi Guuleed, oo xildhibaanno badan u kaxaystay ra’iisal wasaaraha cusub?

 

Sii’hayaha xilka raysal wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo wata koox isugu jirta xildhibaanno iyo wasiirrada xilalka sii’haya, ayaa booqasho ugu tegay raysal wasaaraha aan weli la ansixin ee uu magcaabay madaxweyne Farmaajo.

Mahdi Guuleed, waa raysal wasaare ku xigeenkii Xasan Cali Khayre, oo Farmaajo si sharci darro ah ugu magcaabay sii’hayaha xilka raysal wasaaraha. Waxaana uu u muuqdaa in uu quud darraynayo in ku xigeen uu u noqdo raysal wasaarahan xilka sii hayn doona 140 maalmood waa haddii baarlamanku ansixiyo e.

 

Muddadii uu ahaa Sii’hayay xilka Raysal wasaaraha , waxaa Mahdi Guuleed lagula kacay arrimo badan oo loo arkayay in ay hoos u dhacweyn ku keentay sumcaddiisa.

Shan kamid arrimhii ugu waawaynaa ee loo arkayay in lagu karaama dilay Mahdi Guuleed, ayaa waxaa kamida.

  1. In aan wax door ah laga siiciin hawlaha siyaasadeed ee culculus ee ka socda dalka, halka taas beddelkeeda lasheegayo in dhammaan shaqooyinka uu gacanta ku hayo taliyaha Hay’adda nabad sugidda Fahad Yaasiin oo loo arko in uu isticmaalayo awooddii uu lahaa raysal wasaaruhu.

 

  1. Madaxweyne Farmaajo, ayaa markii ugu horraysay magcaabay Xoghaya joogtada ah ee xafiiska raysal wasaaraha. Waxaana xoghaya lamagcaabay uu la wareegay guud ahaan awooddii xafiiska isaga oo xataa kullammo gaara laqaata madaxda iyo diblomaasiyiinta muhiimka ah.

  1. Mahdi oo ku dedaalaya in uu ka faa’iidaysto fursadda kala guurka ah, ayaa lasheegay uu shaqaalaha dawladda si sharci darro ah ugu daray dhowr dhallinyaro ah oo ay hayb dhaw wadaagaan, waxaana taasi ay abuurtay in ay aad uga caroodaan dhallinyarada kasoo jeedda Somaliland gaar ahaan beesha Isaaq weliba beesha Garxejis oo uu sii kala dhawaystay.

 

  1. Mahdi, ayaa kasoo muuqday xidhitaanka shir aanu waxba kala socon oo ilaa bilawgii aan loogu yeerin ,waxna aanu ka ogayn qodobada laga soo saaray, waxaan tallaabadaas loo arkaa bahdil lagu sameeyay.

  1. Mahdi ayaa muddii uu joogay wax la amray in uu meelmariyo  Hindise sharciyeedyo iyo guddiyo ay sharci darro tahay in ay meel mariso xukuumadda aan xasaanad ka haysan baarlamanka. Qodobadaas iyo guddiyadaas ayaa waxba kama jiraan noqonaya markasta oo isbedel uu ka dhaco dalka.

Back to top button