Somali News

Muxuu eersaday Axmed Ciise Cawad?

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka eryay Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dhalatay qoraal lagu daabacay bogga Twitterka ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo qeexayay mowqifka Dowladda Soomaaliya ee dagaalka ka socda dalka Itoobiya.

Warqaddaas ayaa laga tiray bogga Wasaaradda Wasiirka Cawad ayaana boggiisa Twitter ka ku qoray in warqaddaas aysan ka turjumeyn mowqifka Dowladda Soomaaliya ee colaadda Itoobiya.

Waxaana xalay xilka laga qaaday Axmed Ciise Cawad oo sidoo kale loo magacaabay Safiir hayeeshee isla barta Twitter ka ku sheegay in uusan xil dambe ka qabaneyn Dowladda Farmaajo.

Cawad ayaa xilka Wasiirka arrimaha Dibadda loo magacaabay 4tii January2018kii markaas oo laga qaaday Yuusuf Garaad Cumar.

Back to top button