Somali News

Muxuu eersaday Guddoomiyihii Afgooye ee xilka laga qaaday?.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii degmada Afgooye Ibraahim Cumar Qaasim, waxaana uu magacaabay guddoomiye cusub.

Qaasim ayaa xilkiisa Ku waayay muran kadhashay xaafadda Imbagaati oo uu milkiyaddeeda sheegtay wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Diiriye Maxamed Siyaad ayaa sheegtay dhulka Beeraha Asluubta ee degmada Afgooye waxaana Ku gacan siinayay Guddoomiyaha xilka laga qaaday.

Guddooomiye Ibraahim ayaa xir xiray Odayaasha xaafadda Imbagaati waxaana qaarkood loo soo qaaday xabsi Ku yaalla Muqdisho.

Murankaas ayaa sababay Isbeddelka dhinac Maamulka ah ee ka dhacay degmada Afgooye.

Back to top button