FeaturedSomali News

Muxuu madaxweyne Farmaajo kala hadlay Ra’iisal wasaaraha Sudan oo khadka uu kula xiriiray | Akhri Xogtan.

Madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee  Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula xiriiray ra’iisul wasaaraha  dalka Suudaan, Dr. Cabdullaahi Xamduuk.

Madaxweynaha ayaa uga tacsiyeeyay ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Suudaan dhibaatadii fatahaadaha ee ku dhufatay qaybo badan oo ka mid ah dalkaas.

 

War ay baahisay warbaahinta dawladda, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu caddeeyey in Soomaaliya garab taagsantahay dowladda iyo shacabka Suudaan ee walaalaha ah si looga gudbo dhibaatadan adag ee ay marayaan.

 

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan ayaa dhankiisa u mahadceliyay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo tillaabadii Golaha Wasiiradda Soomaaliya uga dhaafeen dadka reer Suudaan ee ku nool Soomaaliya khidmadaha socdaalka iyo ganaaxyada.

 

Back to top button