Somali News

Muxuu MW Farmaajo uga baaqday shirkii Zoomka ee Midowga Afrika & Q.M?

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sababo Farsamo awgeed kaga baaqday inuu ka qeyb galo uuna khudbad kajeediyo (Muqaal) Kulankii u dhaxeeyay Golaha amaanka QM iyo Midowga Africa.

Shirkan oo diirada lagu saarayay Sida la isaga kashan karo Xalinta Colaadaha Africa kusoo laalabtay iyo Wada shaqeynta labada Hay’adood.

Khudbada Madaxweyne Farmaajo oo iyadoo qoraal ah la gudbiyay ayaa lagu daray diiwanka Khudbadihii kale ee laga diiwangeliyay Madaxdii Shirka ka hadashay.

Ilaa hadda Dowladda Soomaaliya ma caddeyn sababta rasmiga ah ee uu Madaxweynaha uga baaqday shirkaas marka laga reebo cilladda farsamo ee aan la caddeyn.

Back to top button