Somali News

Muxuu salka ku hayaa muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya?

Sida aan ognahay dunida maanta aan ku noolnahay Inta badan waxaa ka dhaca Muran soohdimeedyo, waana arin soo jireen ah oo dhexmarta dalalka dariska ah, gaar ahaan Afrika, maadaamo uu guumaystuhu sameeyay xuduudaha ka dhaxeeya dalalka, dalaalkaa waxaa ka mida ah

Peru, Nigeria, Cameron, Chili, Kiiska peru iyo cheli ayaa ah kiiska ugu dhaw Somaliya & Kenya, Waxaana in la xuso Mudan in Kiiskaa looga adkaaday Chile oo sida Kenya ay ugu doodaysay xaq aysan lahayn aydana ugu doodaysay.
Qormadan gaaban waxaan Ugu tala galay in la dhiira geliyo wafdiga Soomaaliya ku matalaayo dacwadaas, warbaahintana ay dawr fiican ay ka ciyaaraan, Dhalin yaradda Soomaaliyeedna wacyigooda kor loo qaado.
Halkuu salka ku hayyaa Muran-badeedka labadan dal:
Doodan waxay billaabatay marka aya kenya 8 goob oo waliba Todoba ka kamida ah goobaha muranku ka taagan yahay ay rukhsado u siisay shirkado dowli ah ayado waliba heshiis la gashay.
Shirkadahaa dowlada Somaliya waxay ku war galisay inay joojiyaan baaridda kheyraadka ku jira goobahaas, maadama kenya aysan arinkaa kala heshiin Karin xaqna aysan u laheyn, Waayo Dhammaan biyaha ku xeeran dhinaca dhulka ee xariiqaha asaasiga oo laga tirinaayo ballarka badda Dalka, ayaa noqonaysa Biyaha Gudaha oo ay dowlada Soomaaliya awood buuxda ku leedahay, taa oo macnaheedu yahay in ay la mid noqonayso xaquuqda lagu leeyahay dhulka Jamhuuriyadda.
Qodobka 7aad ee xeerka L.5 1989 waxaa ku xusan in Soomaaliya ay xuquuq buuxda ku leedahay hawlaha laga qabanayo Biyaha Gudaha ee qaybta dhaqaalaha ee gaarka ah, Xuquuqahaas waxay ku fidsan yihiin dhammaan biyaha laga soo bilaabo badda hoose ilaa kor oo ay ku dhex jirto badda hoose iyo ciida ka hooseysa.
Biyaha Gudaha waxaa loola jeedaa Dhammaan Biyaha ku xeeran dhinaca dhulka ee xariiqaha asaasiga oo laga tirinayo ballarka Badda Dalka, oo waxaa lagu magacaabaa Biyah Gudaha ee jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Soomaaliya.
Shirkad laga leeyahay dalka italy ayaana ka mid ahaa kuwa aan aqbalin arinta ay soo jeedisay Dowlada Soomaaliya, arinkaa ayaana sababay in Soomaaliya ay gudibiso dacwadan lidka ku ah Kenya.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka mid ahaa dalalkii saxiixay heshiis looga hadlayey in la sameeyo xeerka Badaha Adduunka ee qarammada Midoobey, 10kii December 1982 ayaana lagu qabtay magaalada Montego Bay ee dalka Jamaica oo ay saxiixeen 117 dal.
isla markaasna dhaqan-galiyey Sharcigaas, Soomaliyana waxay xeerkaas dhaqan gelisay 24kii July 1989 Waxayna Soomaaliya wax ka badal ku samaysay Xeerka badda ee r 37 si loo waafajiyo Heshiiskaas.
Isbadalka lagu sameeyey Xn 37 1989kii waxaa ka mid ah in Biyaha Badda ay yihiin 200 mayl, oo ahayd mid la wafajiyay heshiiska Badaha ee Unclose.

Sanadkii 1997-dii Bishii March 13 di, ayey soo jeedisay QM in 150 mayl dheeraad ah loogu daro Dowladihii saxiixay Qalfoof badeed dhan 200 mayl ah (370km), xilligaas waxay QM samaysay “Guddiga Xadaynta Badaha” oo ka kooban 21 xubnood. Dowlad kasta waxaa laga
codsaday in ay soo gudbiso nashqadda ay ku codsanayso 150mayl, waxaana laga rabaa in Dowladda xuduuda la leh aysan ka hor imaanin, Sida uu sharaxayo Qodobka 76aad ee Xeerka Badaha aduunka ‘ “Unclose”, waxaana loo qabtay 2009-kii muddo kama danbays ah oo ay ku soo gudbiyaan nashqadda.
Waxaa xusid mudan in heshiisku uu ka mid ahaa haddii ay dhacdo in Dalkii aan xilligaas ku keenin cabbirka iyo macluumaadka, in baddiisa wixii ka baxsan 200 mayl lagu wareejiyo hay’ad hoos timaada Qarammada Midoobay ,taas oo ka kirayn karta dalal kale si ay khayraadka ugala baxaan ama uga baaraan shidaal.
Kenya ayaa si iskeed ah 2005-tii u jeexatay xariijin ay ku sheegtay in ay tahay xad badeedka labada dal iskuna dayday in ay ka diiwaan galiso Qaramada Midoobay, iyadoo ka faa’iidaysanaysa duruufaha uu dalka marayay isla markaana uusan jirin heshiis soohdimeed oo labada dal kala saxiixdeen, Is afgaradka labadan dal ka dhaxeeyay ayaa ahaa in ay kala saxiixdeen heshiis oo ay ku codsadaan kordhinta qalfoof badeedka, heshiiskaas waxuu ahaa in aan la iska hor-imaan, Kenya ayaana heshiiskaa kadib si iskeed 2005-tii u sameysatay xariijin ay ku sheegtay in ay tahay xad badeedka labada dal iskuna dayday waxayna isku daydayin ay ka diiwaan galiso Qaramada Midoobay.
Sidaa darteed muranku waxa uu ka taagan yahay xagasha dhulka ee markaas xadka loo jeexayo dhinaca badda gudaheeda.
Yaa loo xukumi doonaa kiiskan Muranka Badda:
Waxay u muuqata in Maxkamadda cadaalad xadka ay Kenya sheeganayso ay sii doonto Soomaaliya, Halkaana ay qareennada matala soomaaliya ay ku caddeeyan qaladaadka Kenya, Maadaama sida ugu caansan oo laba wadan xadka Badda u dhaxeeya oo ay ku qayb sadaan waxaa la yirahaa “ equidistant Line “ oo ah xariijinta kala qaybisa laba dal oo si isla eg ugu dhaxeeya ama fogaantiisu isla egtahay, Waxaana la isticmaalaa haddi wadamada iska soo horjeedaan ama hadii ay xad dhuleed leeyihiin sida keenya iyo Soomaaliya oo kale.
Hadaba xariijintaas sida isla egta ah ayay rabtaa dawlada Soomaaliya in la isticmaalo marka la sameynayo xad Badeedka labada wadam, Kenya ayada waxay rabtaa in xariihin dhinaca Bari u socota laga dhigo xadka badda labada wadan u dhaxeeya.
Hadaba marka la fiiriyo xukannadii hore ee maxkamaduhu ku dhawaaqday markii dawlade kale ay isku haystaan xad Badeed ayaa waxay mar walba tix galisaa qadka xariiqda toosan oo ay Soomaaliya dalbanayso, waana waxa ay Kenya u diidan tahay inay maxkamaddu arintan xukunto oo ay cadaadiska ugu saarayso dawlada Soomaaliya inay maxkamadda ka laabato oo heshiis labada wadan u dhaxeeyo lagu dhameeyo muranka xad Badeedka u dhaxeeya labada wadan.
Marka waxay u badan tahay In maxkamadda cadaalada xadka ay keenyo sheeganayso siin doonto Soomaaliya.
Xeerka Badda ee qarmada Midoobey ayaa waxa uu dhigayaa in xadka Badda u dhaxeeya labada wadan haddaysan ku heshiin in lagu go’aamiyo khad ama xarriiq isku in u jirta labada dawladood, ama waxa loo yaqaano ʺ equidisante Lineʺ.
Halkaas ayaa waxay qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwada ay ku muujin karaan ama ay ku doodi karaan in xeerkaas uu libinta siinayo, waxaana looga baahan yahay qareennada in ay maxkamadu u cadeeyan in xariiqda “ equidistant Line”ka hddii la tix raaco ay iska caddaanayso qaladaadka Kenya iyo damacooda qaawan ayna doonayeen inay ku hesho qayb ka mida dhaxalka Soomaaliya ee Badda , cadaalad sida lagu gaarayo.
Ilaha Xogta:
1) Xeerka Badda Soomaaliya lr 37, 1972
2) Heshiiska Badaha aduunka 1982 dii ee Unclose.
3) Xeerka Badda Soomaaliya, ee 1989
W/Q: Abuukaate A/rahmaan Daahir Sulub( Avv Sulub )

Back to top button