Somali News

Muxuu salka Ku Hayaa safarka MW Farmaajo ee Jubba?.

Safar

Madaxweyanaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagaya Magaalada Jubba ee caasimadda Dallas Koofurta Suudaan.

Safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira heshiis ay dhinacyada Suudaanta waqooyi Ku saxiixanayaan Magaalada Jubba.

Hoggaamiyayaasha Urur Goboleedka IGAD ayaa goobjoog ka noqonaya saxiixa heshiiska u dhaxeeya Suudaanta waqooyi iyo mucaaradkeeda.

In ka badan Shan urur Mucaarid oo ka dagaallamayay Dalka Suudaan sida Daarfuur ayaa ka qeybalaya heshiiska oo la gaaray bishii September hayeeshee lagu ballamay in maanta la saxiixo.

Munaasibadda saxiixa waxaa ka qeybgelaya wakiilo ka kala socda dalalka IGAD sida Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Jabuuti, Uganda iyo Madaxweynaha Koofuurta Suudan Salva Kiir oo shirka marti gelinaya.

Back to top button