Somali News

Muxuu Waare xilligan ula jeedaa “wadahadal halala furo Al shabab”?

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay wadahadal lagu dayo Al shabab.

Waare oo afar sano Madaxweyne ka ahaa Hirshabelle ayaa hadda ku baaqaya in lala hadlo Al shabab si loo dhameeyo dagaalka ka socdo dalka.

Waxaa uu sheegay in labada dhinac ay ka dhimanayaan kumanaan Soomaali ah loona baahanyahay in xal lagu dhameeyo.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah muxuu xilligan ula jeedaa wadahadal hallala furo Al shabab?.

Muxuu wadahadal ula geli waayay intii uu xilka hayay isaga?.

Maxaase xilligaan ku soo beegay in is casilaaddiisa kaddib uu Wadahal ugu baaqo Al shabab?.

Back to top button