FeaturedSomali News

Muxuu yahay hirdanka ka dhex aloosmay Maareeye iyo Mahdi Guuleed .

 

Tartan  loogu jiro ciddii noqon lahayd raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya 138-ka maalmood ee soocoda, ayaa ka dhex aloosmay labada nine e kasoo jeeda deegaannada Somaliland ee Mahadi Maxamed Guuleed iyo Maxamed Xayir Maareeye.

 

Waxaa jira shirar ay la kala yeelanayaa xildhibaannada baarlamanka si midkastaaba uu u samaysto xulufo iyo taageero uu kula gorgortamo raysal wasaaraha cusub ee wali aan la ansixin.

 

Maalintii shalay  ahayd, ayaa wasiirro iyo xildhibaanno uu kamidyahay Maxamed Xayir Maareeye oo uu wato Mahdi Guuleed waxa ay kulan la qaateen Raysal wasaaraha magcaaban  Maxamed Xuseen Rooble, waxaana lasheegay in ay u ballanqaadeen in dhammantood ay siin doonaan codka kalsoonid ah.

Dhaqdhaqaaqa ay wadaan Raysal wasaare ku xigeenkii hore iyo sii’hayaha xilka wasiirka warfaafinta Soomaaliya ee ay ku raadinayaan kursiga raysal wasaare kuxigeenka, ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho.

 

Dadka siyaasadda ka faaallooda, ayaa sheegaya in  Mahdi iyo Maareeye ay ku kala bixi karaan hadba sida ay ukala xulufo iyo xildhibaanno bataan.

 

Back to top button