FeaturedSomali News

Muxuu yahay kulankan kale ee madaxweyne Farmaajo isugu yeeray maamul goboleeddada ?

Madaxweyne Farmaajo ayaa  lagu soo warramayaa in uu kulan kale isugu yeeray madaxda maamul goboleeddada xubnaha ka ah Dawladda federaalka ee ku sugan magaalada Muqdisho si ay uga wada hadlaan qaababka loo dhaqan gelin karo heshiiskii doorashada.

Kulankan dambe,a ayaa lasheegay in sidoo kale looga arrinsan doono dhisidda guddiga isku dhafka ee hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer dowlad goboleed.

 

Wararka, ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu kala tashanayo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada magacaabidda guddiga doorashooyinka iyo xubnaha uga qeyb galaya dowlad goboleedyada dalka.

Wada hadalkaan waxaa sidoo kale qeyb ka ah shaacinta jadwalka  wakhtiga ay doorashadu dhacayso.

 

 

Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, ayaa lasheegayaa in markiisii ugu horeysay uu ka qeyb qaadanayo kulankaan.

Back to top button