FeaturedSomali News

Muxuu yahay ujeedka madaxda maamulladu ay  muddo bil kudhow u joogaan Muqdisho  ?

 

Labadii madaxweyne ee ugu horreeyay madaxda maamul goboleedda oo kasoo dega Muqdisho, waxay ahaayeen Siciid Cabdillaahi Deni iyo Axmad Maxamed Islaam (Madoobe) oo yimi 1-dii bishan oo maanta laga joogo 21 maalmood.

 

Labadan hoggoomiye oo dartood loo qabtay shirka Muqdisho maadaama aanay kasoo qayb gelin shirkii heshiisyadu kasoo baxeen ee Dhuuso-mareeb 3, ayaa wakhtigii ugu badnaa ku qaatay magaalada Muqdisho.

Isugeynta shanta madaxweyne ee dawlad goboleedyada Soomaaliya, ayaa hadda maalmo ka badan intii la filayay ku sugan caasimadda wakhtii uu dhammaaday shirkii looga arrinsanayay doorashooyinka ee kala dhexeeyay dawladda federaalka ah.

Ujeedka ay usii joogaan Muqdisho, ayaa lagu sheegay dedaal ku aadan sidii  loo meelmarin lahaa qodobadii kasoo baxay shirka, waxaan ay kullamo gaar gaar ah la qaadanayaan xildhibaannada laga soo doorto deegaanadooda.

 

Back to top button