Muxuu yahay ujeedka madaxweyne Qoor-qoor oo socdaalka dhulka ah ku tegay Gaalkacyo?

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Qoor-qoor, ayaa lasheegay in wada-tashi uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada gaar ahaan madaxda dhaqanka.
Waxaa kale oo kamisa hawlaha uu halkaas u tegay in tababar uu usoo xiro qaybo ka mid ah ciidamada daraawiishta ee Galmudug muddo bilaha tababarro qaadanayay.
Socdaalka madaxweyne Qoor-qoor ee Gaalkacyo, ayaa kusoo beegmay wakhti uu jiro khilaaf ka dhexeeya isaga iyo guutada 15 –aad ee qaybta 21-aad ee ciidanka millateriga dalka . Khilaafkaas, ayaa salka ku haaya hub ay leedahay Ahlu Sunna oo laysku haysto ciddii lagu wareejin lahaa.
Madaxweyne Qoor-qoor, ayaa amray in hubkaas lagu wareejiyo wasaaradda Amniga ee Gal-mudug, halka taliska ciidankaasi ay sheegeen in hubka ay beeli leedahay.