FeaturedSomali News

Muxuu yahay ujeedka Millateriga Kenya ee soo galay gobolka Gedo? | Akhri xogtan.

 

Ciidammo katirsan kuwa millateriga Kenya, ayaa gudaha u soo galay gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Ciidammada, ayaa ujeedkooda ku tilmaamay in ay daba joogaan saddex qof oo laga soo afduubtay magaalada Mandheera. Hase ahaatee, dadka ku dhaqan gobolka Gedo ayaa aaminsan in arrintaasi aanayn ahayn sababta runta ah ee ciidanka Kenya  loo keenay gobolka Gedo.

 

Millateriga Kenya, ayaa sheegay in dadka ay raadjoogaan ay yihiin saddex qof oo aan Muslim ahayn oo laga soo afduubtay magaalada Mandheera. Waxaana ay tilmaameen in ay kamid ahaayeen 54 qof oo saarnaa baabuur Bus ah oo marayay meel kamida magaalada.

 

Imaatinka ay ciidammada Kenya kusoo galeen gudaha Soomaaliya iyaga oo aan wax fasax ah ka haysan dawladda Soomaaliya, ayaa loo arkaa faragelin ciidan oo kenya ay ku waddo Soomaaliya. Waxaana arrintu ay ku soo beegmaysaa wakhti xiisad dagaal oo u dhexeysa  ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay ka taagantahay soohinta u dhexeysa labada dal gaar ahaan magaalooyinka Beled-xaawo iyo Mandheera.

 

 

Taliyaha  Booliiska Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Rono Bunie ayaa warbaahinta caalamka u sheegay ,in laamaha amaanka ay ku raad joogaan afduubayaasha.

Back to top button