FeaturedSomali News

Muxuu yahay ujeedka Qoor-qoor iyo Waare ay ugu wajahanyihiin Baydhabo?

 

Wararka aanu helaynno, ayaa sheegaya in labada madaxweyne ee Gal-mudug iyo Hir-shabeelle ay usii jeedaan dhinaca magaalada Baydhabo, si halkaas ay ugula kulmaan madaxweynaha Koonfur-Galbeed Soomaaliya CabdiCasiis Maxamed Xasan (Laftigareen) oo kamid ahaa madaxdii saxeexay heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Dhuuso-mareeb.

 


Axmad Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo Maxamed Cabdi Waare, ayaa lasheegay in latashi ay lasoo samaynayaan Laftigireen wixii ay ka yeelilahaayeen dalabka ugu imanaya Muqdisho ee ah in ay kasoo qayb galaan shirka u dhexeeya Farmajaajo iyo labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland oo iyagu aan ka qayb gelin shirkii heshiiska lagu gaaray ee Dhuusa-mareeb 3.

Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmad Madoobe, ayaa shuruud lama dhaafaan ah ka dhigay in shirka ay kasoo qayb galaan madaxweynahaasha saddexda maamul ee Gal-mudug, Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle, waxaana hadda ay u muuqaataa in ay aqbali doonaan saddexdan nin, laakiin lama hubo in Iyana ay shuruudo wataan iyo inkale.


Waddanka Soomaaliya, ayaa waxaa wakhtigan ka jira isdiiddooyin siyaasadeed oo u dheeya madaxda maamullada iyo madaxweyne Farmaajo.

Back to top button