FeaturedSomali News

Muxuu yahay Xiriirka Farmaajo uu imaaraadka ka raadinayo xilligan ? | Akhri Xogtan

 

Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegaya in ay jiraan dedaallo uu madaxweyne Farmaajo ku raadinayo in waddanka Imaaraadka Carabta uu la sameeyo xiriir aan wakhti ku filan loo hayn.

Xiriirka uu wakhtigan madaxweyne Farmaajo ka raadinayo waddanka ay Soomaaliya aad ukala fogaadeen sanadihii uu xilka hayay ee Imaaraadka Carabta, ayaa u muuqda in lagu doonayo taageero dhaqaale oo Villa Soomaaliya  ay doorashada ku gasho.

Wararka, ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu Imaaraadka u diray ergaygiisa u qaabilsan arrimaha Carabta ninka lagu magcaabo Maxamed Cismaan Balal.

Lama ogo sida ay isu fahmi karaan madaxweyne Farmaajo iyo Imaaraadku, hase ahaatee wararka qaar, ayaa sheegaya in Imaaraadku hore usoo jeediyay in haddii la rabo hagaajinta xiriirka Soomaaliya la sameeyo labadan  arrin;

  1. In Dawladda Farmaajo ay Imaraadka u celiso lacag dhan $ 9.6 Milyan oo laga qabtay garoonka diyaaradaha kadibna ay dawladda Soomaaliya la wareegtay.

 

  1. Iyo in Imaaraadka si rasmi ah loogu fasaxo dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo markii hore aad loogu adkeeyay.

 

Shuruudahan, ayaa lasheegay in wakhti hore uu Imaaraadku hordhigay Raysal Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmad oo isku dayay in uu hagaajiyo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka.

 

Sikastba ha ahaatee, xiriirkan uu Farmaajo ka raadinayo Imaaraadka ayaa loo arkaa mid lagaga robo kaalmo dhaqaale oo uu ku galo doorashada dalka ka dhici rabta dhammaadka sannadkan.

Back to top button