Somali News

MW Farmaajo oo booqasho aan la sii shaacin Ku jooga Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimadda Eritrea ee Asmara.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa qaabilay dhiggiisa Eritrea,waxaana ay booqdeen goobo kala duwan.

Ilo Ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in muddo laba maalmood ah ay qaadan doonto booqashada Madaxweynaha ee dalka Eritrea.

Was markii saddexaad oo uu Madaxweyne Farmaajo tagayo Asmara isaga oo safarkiisii ugu dambeeyay uu Ku tagay bishii January sanadkan 2020.

Eritrea ayaa waxaa ay dib ugu soo laabatay dalalka geeska Afrika kaddib heshiiskii Itoobiya iyo iyaga ee sanadkii 2018kii.

Back to top button