Somali News

MW Farmaajo oo Koob guddoonsiiyay G.Banaadir,Sawirro

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa koobkii tartanka maamul Goboleedyada Guddoonsiiyay Gobolka Banaadir.

Qoraal lagu daabacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, ”

Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku qabsoomay Caasimadda Muqdisho waxa uu kor u qaaday is-dhexgalka, walalnimada iyo midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa muuqata rajo ku aaddan in aan dib u soo ceshan karno maqaamkii iyo heerkii aan ka joognay ciyaaraha heer Gobol iyo her qaaradeedba, taas waxaa caddeyn inoo ku filan ciyaartooyda dhallinyarda ah ee inta ay socdeen ciyaaraha Tartankau soo bandhigay xirfadda sare iyo dabeecadda wanaagsan.”

Back to top button