Somali News

MW Geelle oo ka hadlay xiriirka Carabta iyo Israel

Madaxweyanaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreysay ka hadlay aragtidiisa la xiriirta cilaaqaadka cusub ee waddamada Carabta iyo Yuhuudda.

Mr Geelle ayaa sheegay  in Jabuuti ay hal siyaasad ka leedahay arrintaas, taas oo ah Ku adkeysiga heshiiskii Beyruut ee sanadkii 2002 kaas oo dhigayay in Israel aan xiriir lala sameyn inta Falastiin ay ka noqoneyso dal madaxbanaan.

Madaxweyne Geelle ayaa intaas raaciyay in dalalka Baxreyn, Imaaraadka iyo kuwo kale oo hadda Ku howlan xiriirka Israel ay danahooda ka dhex arkeen.

Arrinta Jabuuti ee xiriirka Israel ayuu sheegay in marnaba aysan aqoonsaneyn Israel inta Falastiin ay ka noqoneyso dal xor ah oo ka jira bariga dhexe.

Back to top button