Somali News

Nabaddoon lagu dilay Baladweyne

Wararka ka imanaya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay Nabaddoon ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee Hiiraan.

Koox hubeeysay ayaa xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne  ku dilay Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur (Xasan Tiyeegoow).

Ciidanka amniga ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay waxeeyna halkaas ka sameeyeen howl-galo baaritaana ah si aay gacanta ugu dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoonka.

Kooxda dilka geysatay ayaa isaga baxsaday goobta ay fal dambiyeedka ka geysteen ee Magaalada Baladweyne.

Dilalka qorsheysan ayaa ka sii socda Baladweyne iyo Hiiraan guud ahaan.

Habeen hore ayaa degmada Jalalaqsi lagu dilay guddoomiyihii Sportiga degmadaas.

Back to top button