Somali News

Nigeria: “Burcad Badeedda Soomaalida Biyaheena ayey joogaan”

Dowladda Nigeria ayaa waxaa ay shaacisay in kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida iyo kuwa Nigeria ay wada shaqeeyaan.

Agaasimaha Hay’adda badaha Nigeria Bashir Jamoh, ayaa xaqiijiyay in biyaha Nigeria iyo kuwa Geninea ay si wadajir ah uga howlgalaan Burcad badeeda oo isku xiran.

Waxaa uu sheegay in xitaa berriga ay soo maraan kooxaha Soomaalida kaddibna doomo Ku galaan biyaha dalkaas.

Hadalkan waxaa uu ka sheegay kulan uu la qaatay safiirrada Belgiumka iyo Koofurta Kuuriya oo xafiiskiisa Ku booqday.

Hay’adda Badaha Caalamka ayaa sheegtay in guud ahaan falalka Burcad Badeedda Soomaalida ay ka dhamaadeen biyaha Soomaaliya.

Back to top button