Somali News

Nin Dhimirka la’ oo afar qof Ku dilay dowlad degaanka Soomaalida

Wararka ka imanaya deegaanka Faarax Liibaan oo hoostagta Degmada xarshin ayaa sheegaya in qof waalani uu Ku dilay ilaa afar ruux oo isku qoys ah.

Ninkan oo ku hubeysnaa faas ayaa galay guriga qoyska, isagoo kaddib dilay hooyadii, aabbihii qoyska iyo labo carruur ah oo ay dhaleen.

Afar kale oo carruurta qoyskaasi ka tirsan ayuu sidoo kale dhaawac soo gaaray, waxaana haatan lagu dabiibayaa isbitaaalka guud ee magaalada Jigjiga, iyada oo carruurta dhaawac culus uu ninkaasi u geystay qalliin lagu sameeyey balse ay weli xaaladdooda liidato.

Back to top button