FeaturedSomali News

Nin hoobiyeyaal soo ridayay, oo ciidanka dawladdu gacanta ku dhigay | Akhri xogtan.

Ciidamada Ammaanka degmada Deyniile oo gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen midkamida Xarakada Al-shabaab oo doonayay in degmadaas uu ku tuuro hobiyeyaal.

Ninka ciidammada dwaladdu qabteen, ayaa lagu magcaabaa Maxamed Xassan Cali , waxaana sida lasheegay uu kamidyahay kooxdaasi Al-shabaab.

 

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) oo la hadley warbaahinta dowladda ,ayaa xaqiijiyay qabashada ninkan isagoo tilmaamay in  ciidammadu ay gacan ka heleen Shacabka degmada Deyniile.

 

Xarakada Al-shabaab, ayaa dhawaanahan bilowday hoobiyeyaal meel fog laga soo tuuro iyo shakhsiyaad lagu soo xidhay walxaha qar oo lala beegsada goobo ganacsi. Iyada oo kooxdu yaraysay qaraxyadii loo adeegsan jiray baabuurta.

Back to top button