FeaturedSomali News

Nin Muruq-maal ah oo Garoowe lagu dilay maanta

Mid kamida shaqaalaha Muruq-maalka ah ee xirfadda fuundinimada kaga shaqaysta magaalada Garoowe oo lagu magcaabo Ciiltire Yaasiin Cumar, ayaa subaxnimadii Sabtida ee maanta lagu dilaya  magaaladaasi.

Wararka,ayaa sheegaya in dilkan uu geystay nin Qaad-wale ah oo kamida jaadlayaasha magaalada, kadib markii uu ka carooday ciriiri ka ku yimi isu socodkii waddada dhex marta magaalada Garoowe.

Gacan ku dhiiglaha, ayaa lasheegay in goobta uu isaga baxsaday kadib markii uu dilka geystay.

Ehelada wiilka ladilay, ayaa diiday in la aaso. Waxaana ay  dalbanayaan in gacanta lagusoo dhigo gacan ku dhiig lihii ka dameeyay dilka wiilkooda.

Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa sheegay in ay ku hawllanyihiin sidii gacanta loo soo dhigi laahaa gacan ku dhiiglaha.

Muuqaallo iyo warar dheeraad ah kala soco Facebook https://www.facebook.com/Wadanimedia/?ref=br_rs

Back to top button