Somali News

Nin Soomaali ah oo lagu afduubay Nairobi

Liibaan Cabdulle Cumar ayaa lagu afduubtay gudaha Nairobi kaddib markii xabsi laga siidaayay.

Ninkan ayaa loo xiray Ku lug lahaanshaha weerarkii westgate ee sanadkii 2013kii.

Todobo sano oo uu xabsi Ku jiray ayuu shalay xorriyaddiisa dib u helay.

Afduubkiisa ayaa dhacay isaga oo banaanka Saldhigga taksi Ku jira islamarkaana sugayay waraaqaha dambi la’Santa ah.

“Shan nin oo uumadaxa u duubanyahay islamarkaana wata qoryaha AK47ayaa gaari ku afduubtsy Liibaan lamana oga meesha ay la aadeen” ayey tiri walaashiis Sahra.

Hayadaha  amaanka ayaa lagu dhaliilay in aysan sugin amaanka Liibaan oo isaga oo aan gacantooda ka bixin la afduubtay.

2014kii ayaa afar wiil oo Soomaali ah isla sidan loo afduubtay waxaana ay sideed bilood kaddib ka soo hadleen Soomaaliya.

Shakiga ugu weyn ayaa ah in afduubka Liibaan ay dambeeyaan isla hay’adaha amaanka oo lagu tuhmayo in dib u celin qasab ah ay sameeyaan.

Back to top button