Somali News

Ninkii hoggaaminayay weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo is dilay

Hay’adaha amaanka Dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in uu xabsiga ku geeriyooday madaxii ka dambeeyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa.

Rashid Charles Mberesero, ayaa la xaqiijiyay in uu isku dhex dilay xabsiga caanka ah ee  Kamiti

Boolisku waxaa ay sheegeen in uh Rashid is deldelay islamarkaana meydkiisa la arkay Jimcihii shalay.

Weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee uu hoggaaminayay ayaa waxaa ku dhintay 148 qof oo u badnaa ardey, macalimiin iyo shaqaalaha Jaamacadda.

Weerarkaas ayaa ka mid nowday kuwii ugu waaweynaa ee ay al shabaab ka geystan gudaha dalka Kenya.

Back to top button