Somali News

Nus Milyan Carruur ah oo lagu tallaalay Muqdisho

Qaramada Midoobey ayaa shaacisay in shan boqol oo kun oo Carruur Soomaali ah lagu tallaalay Magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad 500,000 oo carruur ah oo ku nool Gobolka Benadir ayaa laga tallaalay cudurada Jadeecada iyo Dabaysha iyada oo la adeegsanayo ol’olaha tallaalka ee hadda dhammaaday.

waxaa ol’olaha soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federalka oo taageero ka heleysa Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Sanduuqa Maalgalinta Carruurta ee Qaramada Midoobay.

Ol’oleyaal kale oo kuwan xiga ayaa lagu bartilmaameedsan doonaa in ka badan 1.6 Milyan oo carruur ah.

kuwaas oo ku nool Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Halkan ka aqri faahfaahin intaas ka badan: bit.ly/34sqUYC

Back to top button