Somali News

Odayaal lagu xiray Afgooye

Hay’adaha amaanka Magaalada Afgooye ayaa xabsiga u taxaabay tiro Odayaal dhaqameed ah.

waxaa Saldhiga Booliska Degmada Afgooye lagu xir xiray qaar ka mid ah Odayaasha Xaafada Imbagaati waxaana xabsiga u taxaabay sarakiisha laamaha amniga ee degmadaas.

Odayaasha ayaa lagu heystaa sababta ay ugu hadlayaan ama ay ugu hor imanayaan amarkii ka soo baxay sarakiisha Ciidanka Booliska ee ahaa in laga guuro dhulka Xaafada Imbagaati oo ay degan yihiin in badan oo ka mid ah shacabka Degmadaas.

Ciidanka Asluubta ayaa diiday go’aanka Booliska ee Imbagaati,waxaana shalay ka dhacay banaanbax.

Odayaasha dhaqanka oo arrintaas saaka u tagay saldhigga degmada Afgooye ayaana xabsiga la dhigay.

Back to top button