Somali News

Odayaasha dhaqanka Beldweyne oo heshiis horudhac ah kala dhexdhigay dhinacyadii isku hayay Baladweyne

Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Baladweyne ayaa ku guuleystay in ay dejiyaan xaaladda Baladweyne shirarna la qaataan dhinacyadii ku dagaallamay halkaasi.

Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa gilinkii dambe ee shalay  deegaanka Ceelgaal kulan kula qaatay Generaal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo ah hoggaamiyaha Jabhadda la magac baxday Xaq-udirirka gobolka Hiiraan.

Generaal-ka iyo Odayaasha ayaa ka wada hadlay sida xaaladda Beledweyne loo dajin lahaa miiska wada hadalkane wax walba lagu dhammeeyo.

Odayaasha ayaa ka dalbaday Hoggaamiyaha jabhadda Xaq-udirirka Hiiraan in uu soo dirsado dad ku matala wadahadal dhaxmara Jabhadda iyo wasiirka arrimaha gudaha Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax si aay tabashada qabaan wasiirka ugu gudbiyaan taasi oo Genaraalka Abuukar Xuud uu aq balay.

Dhanka kale Odayaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday Generaalka Abuukar Xuud in Nabad galyada lawada ilaaliyo si amniga magaalada sidii hore loogu soo celiyo.

Back to top button