Somali News

Odayaashii dhisay Hirshabelle oo laga sagootiyay Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa xalay lagu qabtay munaasibad sagootin ah oo loo saameeyay Odayaashii soo dhisay Maamulka labaad ee Hirshabelle.

Munaasibadda waxaa ka qeybgalay dhamaan Madaxda cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle kuwaas oo Odayaasha uga mahadceliyay waqtiga ay geliyeen dhismaha maamulka Hirshabelle.

Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa ka qeybgalay munaasibadda.

Odayaasha iyo madaxda ayaa khudbado kooban ka jeediyay kulanka sagootinta ahaa ee loo saameeyay waxgarka Hirshabelle.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa la soo gabagabeysay dhismaha wajigiisa 2aad kaddib doorashooyinka ka dhacay Jowhar.

Back to top button