FeaturedSomali News

Puntland, oo 25,000 neef oo geela ka dhoofisay dekedda Boosaaso.

Dawladda Puntland, ayaa habeennimadii xalay waxa ay  dekedda magaalada Bosaso ka dhoofisay 25,000 neef oo geel ah. Iyada oo lasheegay in geelaasi ku wajahan yahay waddamada Khaliijka Carabta.

Xoolahaan la dhoofiyay , ayaa waxay qeyb ka yihiin malaayiin  neef oo xoolo ah oo si joogto ah looga soo daabulo Soomaaliya, iyadoo loo dhoofiyo dalalka kuyaala Bariga Dhexe.

 

 

Hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobeey ee FAO, ayaa horey u sheegtay in xoolahaasi ay 40% ka yihiin wax soo saarka guud ee dalkan soomaaliya.

Xoolahaan ayaa inta badan loo iibgeeyaa suuqyada Sacuudiga, Imaaraatka iyo Cumaan oo ah dalalka  ugu horeeya ee xoolaha ka iibsada Soomaaliya.

 

 

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanadkan si kumeel gaar ah u qaadday xayiraaddii ay saartay dhoofka xoolaha Soomaaliya.

 

Back to top button