Somali News

Puntland oo shaacisay bandhigtay liiska xubnaha Ku matalaya Guddiyada doorashada iyo Khilaafaadka.

Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha ku matalaya Guddiyada doorashada heer Federal, dowlad Goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

C/Wali Tima cadde iyo Muuse Geelle ayaa ka mid noqonaya Guddiga doorashada halka Burhaan Cilmi Filig iyo Gabar lataliye u ah Deni oo lagu magacaabo Yaasmiin lagu daray xallinta khilaafaafka.

Puntland ayaa noqotay Maamulkii 2aad ee soo gudbiya xubnahan waxaana shalay gudbiyay Galmudug.

Maamullada Jubaland. Hirshabeelle iyo koofur Galbeed ayaan wali soo gudbin xubnaha laga doonayay xilli la dhaafay waqtigii laga doonayay dhamaantood ay Ku ekeyd 20kii bishan.

Back to top button