Somali News

Puntland oo Dadka ka baxaya Garowe ka dooneysa Damiin!

Dolwad Goboleedka Puntland ayaa amar dul dhigtay shacabka ku dhaqan Magaaladaasi kuwaas oo waajib looga dhigay qaadashada amarka ka soo baxay hay’adaha amaanka.

Taliyaha saddexda Bar koontarool e laga galo Magaalada Garowe Axmed Maxamuud Cali, ayaa sheegay in qof kasta oo ka baxaya Magaalada Garowe looga baahanyahay in uu keensado qof damiin ka ah.

Waxaa sidoo kale Amarrada lagu soo rogay Dadka Garowe ka mid ah in qofka uu caddeeyo ujeedadda safarkiisa, goobta uu u socdo iyo waxa uu ka doonayo.

Axmed Maxamuud Cali, ayaa xusay in Magaalada laga billaabayo howlgallo guriguri ah oo lagu baarayo dadka iyo guryaha si loo ogoaado dadka ku cusub magaalada ee falalka amni darrada ah looga shakin karo.

Amniga Garowe ayaa bilihii la soo dhaafay hagaagsanaa hayeeshee weerarkii Boosaaso ayaa hay’adaha amniga ee Garowe geliyay walwal cusub.

Back to top button