Somali News

Puntland oo dambi ka dhigtay in Ganacsatada Shilin Soomaaliga la safraan

War ka soo baxay Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Ganacsatada loogu sheegay in aysan qaadi karin lacag shilin Soomaali ah.

Hay’adaha amaanka ee jooga baraha Koontaroollada ayaa la faray in ay baaraan Gaadiidka isaga kala goosha Gobollada Puntland gaarigii lagu qabto isaga oo shilin Soomaali wadana la xiro isaga iyo dadka wata.

Puntland ayaa amar ku bixisay in shilin Soomaaliga la marsiiyo Bangiga dhexe ee Puntland islamarkaana qofku uu ka qaato meesha uu u socdo.

No photo description available.

Back to top button