Somali News

Puntland oo dharcad ka daba dirtay dadka diida Shilin Soomaaliga

Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in dad dharcad ah oo qarsoon laga daba diray dadka diida shilinka Soomaaliga ah xilli deegaannada maamulkaas lacagta laga diiday.

uqa Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland Axmed Siciid Muuse ayaa sheegay in Hay’adaha amaanka ee aan la arag iyo kuwa muuqdaba ay la socdaan dhaq dhaqaaqa dadka diida SHilin Soomaaliga sharcigana la horgeynayo.

Waxaa uu sheegay in dabagal lagu hayo Ganacsato waaweyn oo gadaal ka riixaya diidmada lacagta shilin Soomaaliga kuwaas oo uu sheegay in dowladdu la xisaabtameyso.

Ganacsatada yar yar ayuu ugu baaqay in ay qaataan shilin Soomaaliga qofkii diidana ay tallaabo ka qaadayaan hay’adaha amaanka ee Puntland.

Back to top button