FeaturedSomali News

Puntland, oo ka digtay daadadka Roobab mahiigaan ah oo kusoo wajahan deegaanno hoos yimaadda.

 

Wasaaradda deegaanka, beeraha iyo isbedalka cimilada ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa digniin kasoo saartay daadad ka dhalankara roobab mahiigaan oo dabeylo xooggan wata ; kuna soo wajahan deegaanno badan oo kamid ah maamulkaas.

 

Shacabka ku dhaqan gobollada, Sool , Sanaag ,Bari iyo Nugaal si gaar ah loogu amray iney ka fogaadaan dhulka biya qabadka leh iyo deegaannada biyo mareenka ah , si looga baaqsado in khasaaro xooggan ay sababaan daadad suura-gal noqon kara iney roobabkaasi ka dhashaan.

 

“Roobab mahiigaan ah ayaa la saadaalinayaa inay kusoo wajahan yihiin degaannada puntland, qeybo kamid ah gobolada Bari, Nugaal ,Sool iyo Sanaag ayaa la rajeynayaa inay heli doonaan rooob xoogan oo sababi kara daadad ”  ayaa lagu yiri warka digniinta ay soo saartay wasaaradda deegaanka ee Puntland.

 

 

Roobabka Deyrta, ayaa lagu soo warramayaa in ay ka de’een deegaanno badan oo kamida kuwa ay Soomaalidu degto, waxaan jira cabsi laga qaybo in roobab dabaylo wataa ay ku dhuftaan dhulka qaarkii.

 

Back to top button