Somali News

Puntland oo ka digtay duufaan ku wajahan Gobolka Bari

Maamulka Puntland ayaa dadka deggan Xeebaha uga digay Duufaanno ku wajahan dhulkaasi.

Maamulka Gobolka Bari ayaa soo saaray digniinta hoos ku xusan.

“Digniin / Wargelin

Maamulka Gobolka Bari waxaa uu la wadaagayaa Shacabka Gobolka in 48 saac ee soo socda ay jiraan roobab dabeylo wata sida saadaasha cimiladu sheegeyso.

hadaba waxaa shacabka degan dhulka u dhow Buuraha, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada.

Rabi ha inaga hayo wax kasta oo dhibaato gaarsin kara dadka hantidooda iyo xoolahooda”.

Back to top button