Somali News

Puntland oo ku gooddisay in ay ka go’eyso Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa ku hanjabay in uu ka baxayo Soomaaliya haddii aan lagu heshiin Dowlad Federaal ah oo la wada leeyahay.

Xasan Abgaal oo soo bandhigay qodob Puntland u saamaxaya in ay Soomaaliya ka go’do

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa sheegay in qodob Dastuuriya uu Puntland xaq u siinayo in ay ka go’do Soomaaliya, haddii la waayo dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah.

Wasiir Abgaal oo ka hadlayay kulan ka qabsoomay duleedka Garoowe, ayaa tilmaamay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo Federaal ku dhisan ,islamarkaana ilaalisa wixii lagu heshiiyay.

Xasan Abgaal, ayaa sidoo kale caddeeyay in Puntland ay ka go’i doonto Soomaaliya, haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay.

 

Back to top button