Somali News

Puntland oo mamnuucday qurbajoogta ka soo laabanaya dibadda

Maamulka Puntland ayaa joojiyay dadka Soomaaliyeed ee ka imanaya qurbaha islamarkaana tagaya deegaannada Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland Jaamac Faarax Xasan, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool gaar ahaanna waddamada uu faraha kulul ku hayo Covid19 aysan iman dalka isaga oo sheegay in ay horseedi karaan kororka kiisaska cudurka.

Waxaa uu sheegay in ay qasabtahay in ay joogaan dalalka ay hadda ku noolyihiin si dad ka badqaba cudurka aysan ugu faafin.

Xilligan qaboobaha ah waxaa uu Covid19 sare ugu kacay waddamo badan waxaana dadka Caalamka ay soo aadayaan dhulalka kuleylaha sida Afrika iyaga oo ka cararaya xanuunka.

 

Back to top button