Somali News

Puntland oo mar kale ka jawaabtay go’aankii dowladda ee Shirka Garowe

Maamulka Puntland ayaa waxaa uu mar kale ku celiyay in shirka wadahadallada doorashada ee ay dowladda go’aamisay in lagu qabto Garowe loo wareejiyo Muqdisho.

Siciid Deni oo maanta shir Guddoomiyaha kulanka Golaha Wasiirrada Maamulka Puntland ayaa ku baaqay in shirka uu saameyn leeyahay loona baahanyahay ka qeybgalayaan badan sidaas darteedna loo daayo Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri.

“Dowladda Puntland marwalba kaalin muhim ah ayey ka qaadanaysa sidii dalku uga gudbi lahaa marxaladda uu ku jiro, waxayna soo jeedisay in ay muhim tahay in dhakhso shir la isugu yimaado oo lagu qabto Muqdisho madaama Hay’adda Dastuuriga ah ee DFS wakhtigoodu dhammaaday, Shirkuna u baahanyahay wakhti badan in la geliyo, Saamileyda Siyaasadda, Beesha Caalamka iyo dhammaan dhinacyada ay khuseysona ay halkaasi wada joogaan”.

Back to top button