Somali News

Puntland oo qabatay 324 Carruur ah.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay qabatay 324 caruur ah oo socoto ah, tan iyo billowgii sannadkaan 2020.

Carruurtan oo da’doodu ka yar tahay 15 sanno ayaa isugu jiray qaar laga tahriibinayay xeebaha magaaladda Boosaaso, kuwa loo ballan-qaaday shaqooyin sidaasna eheladooda looga soo ka xeeyay iyo carruuro laga soo xadday qoysaskoodda.

Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa sheegtay in daraasad muddo socotay ay ku oggaadeen inay kordhayaan carruurta socotadda ah ee laga soo ka xaysto eheladooda ee deegaanada Puntland la geeyo, kuwaas oo Boosaaso keliya laga qabtay 150.

Soomaaliya ayaa waxaa sanadkan aad ugu badan waxyeellada Carruurta iyaga oo la kulma, afduub, dil iyo shaqo adag.

Back to top button