Somali News

Puntland oo saadaalisay inuu fashilmayo Shirka Muqdisho

Maamulka Puntland ayaa sheegay in Shirka maanta ka furmaya Muqdisho aan lagala tashan ajendihiisa islamarkaana ay u badantahay in uu fashilmayo.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha Bulshada ku sheegay in ajemdaha shirka aan lagala tashan Puntland sidoo kalena uu yahay mid hal dhinac ah isaga oo ka digay in uu fashilmo.

Wasiirka arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay, in “qorshaha shir aan la isku raacin, lagana talogelin dhinacyada ay khusayso sida kan hadda la soo bandhigay ee maalinta berri ah loo ballansan yahay uu sababi karo fashil.”

Puntland Madaxweynaheeda ayaa shalay sheegay in uusan geyn shir ka furmaya Muqdisho oo lagu wargeliyay.

Back to top button