Somali News

Puntland oo sheegtay in ay soo qabatay Raggii weeraray Xabsiga Boosaaso,Sawirro

Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu gacanta ku soo dhigay qaar ka mid ah Raggii weerarka habeen hore ka geystay Boosaaos iyo Maxaabiis ay Xabsiga ka sii daayeen.

Saraakiisha Amaanka Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen Koofurta Boosaaso ay ku qab qabteen qaar ka mid ah Raggii weerarka geystay iyo maxaabiistii ay xabsiga ka siidaayeen.

Ciidamada Puntland ayaa soo bandhigay Rag dhaawac ah iyo kuwo ay Indhaha ka xireen oo la sheegay in ay isugu jiraan Maxaabiista ka baxsatay Xabsiga iyo Raggii weerarka ka fuliyay Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa gaaray Magaalada Boosaaso isla shalay waxaana uu halkaas kulan kula qaatay saraakiisha Ciidanka isaga oo booqday xabsiga la weeraray.

May be an image of 1 person and military uniform

May be an image of one or more people, people standing, outdoors and tree

May be an image of one or more people and outdoors

May be an image of mountain

Back to top button