Somali News

Puntland, oo siidaysay 6 nin oo dil loohaystay.

Puntland, oo siidaysay 6 nin oo dil loohaystay.

Maxkamad kutaalla magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, ayaa xorriyaddoodii u celisay 6 nin oo qeyb ka ahaa 7-eedeesane oo muddo sanad ka badan u xirnaa dil iyo kufsi Garowe loogu geystay haweenay.

Ragga lasii daayay ayay maxkamadu ku weyday wax dambi ah, hase yeeshee qofka todobaad oo lasheegay wakhti hore uu  bixiyay wareysiyo uu ku qiranayo inuu falkaas ku lug lahaa ayaa maxkamadu amartay in baaritaan lagu sameeyo.

Qoyska dhibbanaha ayaa kasoo horjeestay go’aanka maxkamada, iyagoo sheegay in garsoorka iyo laamaha amnigu dayaceen kiiskaan islamarkaana si fudud lagusii daayay eedeesanayaasha.

Ehelada haweenaydii la dilay,ayaa racfaan ka qaatay go’aanka maxkamada. Waxayna ay sheegeen in ay dadaal dheer u galidoonaan sidii ay cadaalad ku heli lahayd marxuumada.


Puntland ayaa horey ugu guulaysatay inay cadaalada horkeento laguna fuliyo dil raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas.


Balse, kiiskaan dambe ayaa u muuqda mid laamaha amnigu aan weli ku guulaysan inay helaan caddeymo rasmi ah oo kusaabsan.

Nin kamid ah ragga kiiska loo hayo oo markii hore qirtay inuu kiiska ku lug lahaa, ayaa markii dambe iska fogeeyay isagoo sheegay in la qasbay.

Back to top button