Somali News

Puntland oo walaac ka muujisay kiisaska Covid19 ee deegaannadeeda

Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland ayaa ka warbixisay saameynta Puntland uu ku yeeshay, soo laba kacleynta xanuunka safmarka ah ee Korona Feyrus, wasaaraddacaafimaadka ayaa xustay 82 kiis oo la heyn 72 saac ee lasoo dhaafay.
Warbixin kooban oo wasaaraddu la wadaagtay warbaahinta ayaa lagu sheegay in todobaadkii tagay ee 20-25 bishan Febraayo 2021 laga baaray Cudurka COVID-19 572 ruux , isla markaana 82 kamid ah dadkaas laga helay Cudurka, waxaana jira walaac la muujinayo.
“Wasaaradda Caafimaadka dowlad Puntland waxay walaac ka muujinaysaa in markale sida aduunka uu usoo laba kacleeyay si gaar ahna soomaliya uu usoo laba kaclayn karo Puntland” ayaa lagu yiri Warbixinta lasoo saaray.
Back to top button