Somali News

Puntland oo xabsiga dhigtay 7 qof oo ka mid ah Al-shabab

Maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigtay 7 qof oo ay sheegtay in ay ka tirsanyihiin Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab kaddib howlgallo ay ka fulisay deegaannada Maamulka Puntland.

Howlgalka Ciidamada Maamulka Puntland ayaa howlgal ka fuliyay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug gaar ahaana qeybta Maamulka Puntland.

Muumin Cabdi Shire Taliyaha Ciidamada Puntland ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu wariyayaasha u sheegay in ay howlgalkaas ku qabteen Ciidamada xubno ka tirsan Al-shabaab oo falal amni darro ah ka waday Magaalada Gaalkacyo.

Puntland ayaa dhowr jeer xukuntay xubno ka mid ah Ururka AL-shabaab oo lagu eedeeyay in ay dilal ka geysteen Magaalooyinka kala duwan ee maamulkaas.

Back to top button